Ra’iisul wasaare Khayre iyo Andrew Stephenson ayaa ka wada hadlay adkeynta xariirka labada dawladood, horumarrada laga gaaray siyaasadda iyo dhaqaalaha iyo taageerada dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya, dib-u-heshiisiinta.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dawladda Ingiriiska uga mahad celiyay taageerada iyo is-garab istaagga dadka iyo dawladda Soomaaliyeed.
Andrew Stephenson ayaa dawladda ku ammaantay guulaha ay ka gaartay dib-u-qaabaynta maaliyadda iyo siyaassada, waxa uuna ku celiyay in dawladda ingiriiska ay ka go’antahay taageerada dadaallada dib-u-habaynta, hagaaajinta amniga iyo horumarka
Dowladda Ingiriiska oo kamid ah deeg bixiyaasha qaybta wayn ka qaata taageerada dadaaladda dib-u-kabashada dalka ayaa leh xariir soo jireen ah oo qota dheer waxa ay la leedahay dowladda federaalka Soomaaliya.












