Maamulka Ahlu Suna ee Dh/mareeb oo Sheegay In Dawladda Dhexe Heshiiskii Ka Weecatey.

0
677

Qoraal dhinacyo badan taabanaya oo ka soo baxay hoggaanka ugu sarreeya Ahlu Sunna Waljameeca ayaa looga soo horjeestay  in ciidamo ka socda AMISOM iyo dowladda federaalka la geeyo Dhuusa-mareeb.

Qoraalka ayaa sidoo kale shaki lagu galiyay qabsoomida shirka dib-u-heshiisiinta Dhuusa-Mareeb, iyadoo lagu eedeeyay dowladda in ay qabsoomida shirka gacanta u galisay dad aan xog ogaal aheyn.

Sidoo kale Ahlusuna ayaa sheegtay inay dowladda Federaalka ay ka caga jiideyso fulinta dhammaan heshiisyadii iyo ballamihii ay la gashay Ahlusuna.

Shirkii Dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug ayaan wali ka furmin degmada Dhuus-Mareeb, waxaana soo baxaya warar sheegaya in uu jiro khilaaf soo kala dhax-galay guddigii loo saaray qaban-qaabada shirka.

Akhriso Qoraalka ka soo baxay Ahlu Sunna Waljameeca :