Xubnaha uu la kulmay madaxweynaha Galmudug ayaa kala ah; Francisco Madeira oo ah Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya,Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan, safiirka dalka Hindiya u fadhiya Soomaaliya, Wakiilka Urur Gobolleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Guyo iyo Safiirka dalka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender.
Kullamada oo si gaar gaar ah u dhacay ayaa inta badan diiradda lagu saaray xaaladda u dambeysay ee Galmudug , nabadgalyada deegaannada iyo dib u heshiisiin ka dhacda Galmudug.
Galmudug ayaa isku diyaarinaysa doorasho guud, iyadoo deegaannada muddo ka badan toddobaad uu ku sugan yahay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Khayre oo gogal dib u heshiisiined kaga dhawaaqay magaalada Dhuusamareeb.












