Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in wali laga maqlayo hoteel Cascaseeey ee weerarka lagu qaaday rasaas goosgoos ah oo ay is weydaarsanayaan kooxo hubeysan ee ciidamada Jubbaland.
Ururka Al-shabaab ayaa markiiba sheegay weerarkan oo noqonaya kii ugu culsaa ee noociisa ah oo ka dhaca magaalada Kismaayo oo ay kooxo hubeysan gudaha u galaan mid ka mid ah hoteellada ugu caansan magaalada Kismaayo.
Xildhibaan Caana Nuug iyo Senator Iftiin Xasan Baasto ayaa ka mid ahaa Xildhibaanka Hoteelka laga soo badbaadiyay, waxaana hadda wali socda howlgalka badbaadinta.
Kooxo hubeysan ayaa ayaa wali ku dhax dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah hoteelka, waxaana Hotelka gaaray ciidamada maamulka Jubbaland oo isku dayay in ay weerarka soo afjaraan.
Weerarka Ayaa La Xaqiijiyey In uu Soo Gabangaboobey Walaw aan Wali Qasaaraha ka Dhashey Weerarka La Shaacin,iyadoo Beryahan ay Kusii Qulqulayeen Dad Badan oo Daneynaya ka Qayb Galka DoorashadaM/weyne iyo Barlamaan ee La Filayo in ay Halkaas ka Dhacdo Dhawaan.












