Gudoomiyaha Xisbiga Sinaanta Midnimada Nabadda C/maalik Xasan Taxi,Gud/kuxigeenka 1’aad ee Xisbiga Drs. Khadiija Cali Qaasim,Gud/kuxigeenka 2’aad ee Xisbiga Sinaanta Midnimada Nabada Mana Goosaar, oo Dhamaantood Hawlo Shaqo Ugu Maqan Meelo Kala Duwan oo Dalka Debediisa Ah Ayaa Bogaadiyey Soona Dhaweeyey Kormeer ay Maanta Ku Yimaadeen Xubno Ka Kala Socdey GMDQ iyo Xafiiska Diiwaan Gelinta Xisbiyada Iyagoo u Kuur Galayey Hawlaha Shaqo ee Xisbiga.
Sidoo Kale Madaxda Ayaa Bogaadiyey Madaxda Xisbiga ee Dalka Gudihiisa Ku Sugan Sida Gud/kuxigeenka 3’aad Jaaha Ibraahin Xasan Xoghayaha Guud Aadan Maxamed Arbaw,Xubnaha Kale ee Gudiga Fulinta,Hawlwadeenada,Shaqaalaha iyo Xubnaha Xisbiga ee Sida Hufan ugu Soo Dhaweeyey Xarunta Xisbiga SNM Madaxda iyo Xubnaha Kormeerka Ku Yimid Xarunta Xisbiga SMN ee Ka Kala Socdey GMDQ iyo Xafiiska Diiwaangelinta Axzaabta Siyaasada Soomaaliya.
Madaxda Xisbiga SMN Ayaa Amaaney GMDQ iyo Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Sida Dhabar Adeyga ah ee ay ugu Taaganyihiin Hawlaha Qaranka iyo In Dalka Doorasho Qof iyo Cod ah La Gaarsiiyo,iyagoo u Rajeeyey Guul iyo Hurumar ay Ku Talaabsadaan.
Waa Tan Qormadii Kormeerka iyo Xubnihii Kusoo Dhaweeyey Xarunta Xisbiga Sinaanta Midnimada Nabadda iyo Sawiradii Kormeerka Xarunta Xisbiga SMN.
Xarunta Xisbiga Sinnaanta midnimada nabadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho waxaa maanta booqday guddiga doorashooyinka Qaranka, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyay madaxda iyo xubno ka tirsan xisbiga SMN.
Ujeedada kormeerka guddiga doorashooyinka ayaa la xariirtay howlaha xisbiga uu hayo, iyadoona guddigu weydiiyeen su’aalo dhowr ah oo ku saabsan Xarunta Xisbiga Sinnaanta midnimada nabadda Soomaaliya.
Xoghayaha xisbigaasi Aadan Maxamed Arbow oo guddigu si toos ah u weydiinayeen su’aalaha ayaa waxaa ka mid ahaa arrimihii la weydiiyay qaabka uu ku howlgalo, inuu guddiga tusiyo caddeymo la xariira xubnaha xisbiga, tababarada ay heleen, xiriir ay la leeyihiin ururrada caalamiga ah, qalabka ay ku howlgalaan iyo arrimo kale.
Guddiga doorashooyinka ayaa ammaanay Xisbiga Sinnaanta midnimada nabadda Soomaaliya, iyagoona ku dhiirigeliyay inay sii kordhiyaan howlahooda, isla markaana gobolada dalka ay uga furaan laamaha xisbigaasi.
Markii uu soo gabagaboobay su’aalaha ay guddigu weydiinayeen xoghaye Arbow waxaa halkaasi khudbad gaaban ka jeediyay Jaaha Ibraahim Xasan oo ah Gud/kuxigeenka 3’aad ee Xisbiga Sinnaanta midnimada nabadda Soomaaliya, isagoona sheegay in booqashada guddiga ay tahay tababar ay dhinacooda siiyeen, taasi oo uu sheegay inay imaatinkooda ay wax badan ka kororsadeen.
Dhinaca kale Xarunta Xisbiga Sinnaanta midnimada nabadda Soomaaliya ayaa noqday midkii ugu horeeyay ee ay booqdaan guddiga doorashooyinka oo iyagu bilaabay kormeeridda xafiisyada faraha badan ee ay leeyihiin xisbiyasadda siyaasadda dalka Maanta oo ay Taariikhdu Tahey 07/07/2019.


















