Gobolka Sh/hoose oo Gudoomiyihii Maxakadda Gobolkaasi Muqdisho Lagu Dilay.

0
342
Labo nin oo mindiyo ku hubeysan ayaa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dilay guddoomiyihii maxkamadda gobolka Shabeellaha hoose, Siciid Cumar Xasan (Subeyr), sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.
Ragga weerarka geystay ayaa mid ka mid ah waxaa dhaawacay guddoomiyaha maxkamadda ee geeriyooday,waxaana gudoomiyaha iyo ninkii uu toogtay ay u geeriyoodeen dhaawac soo gaaray,sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha hoose oo warbaahinta la hadlay.
Hay’adaha ammaanka ee gobolka Banaadir ma jirto warbixin ka soo baxday oo looga hadlay dilka guddoomiyihii maxkamadda gobolka Shabeellaha hoose.
Ilaa hadda ma cadda ujeedka ay ka lahaayeen labada nine e ku weerartay guddoomiyaha maxkamada gobolka Shabeellaha hoose,iyadoo dhacdadan ay noqoneysa mid ku cusub dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho oo badankood loo adeegsan jirey bastoolado.