Dowlada Maraykanka Oo Dib U Bilaabaya Taakuladii Dhaqaale Ee Milateriga Somalia.

0
288

Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay qaybahaan soo celinayso taageeradii maaliyadeed ay siin jiray ciidamada milateriga ee federaalka Soomaaliya.

Maraykanka, wuxuu sheegay in si tijaabo ah loo taakulayn doono Ciidamada federaalka ee ka howlgalaya gobolka Shabeelada Hoose ee Maamulka Hirshabelle.

Sababta uu Maraykanku dib ugu bilaabayo taakulada maaliyadeed ee siin jiray dowladda Federaalka, ayuu ku sheegay inay la xiriirto dowlada federaalka oo qaaday tallaabooyin ay ku hormarinayso nidaamka maaliyadeed ee ciidanka iyo isla xisaabtanka deeqaha caalamku bixiyo

“Dib-u-soo celinta taakulada maaliyeed ee aan siinayno ciidamada federaalka waxay muujinaysaa kalsoonida aanu ku qabto dowladda federalka iyo Ciidamada xooga Soomaaliya inay sii wadayaan horumarinta isla xisaabtanka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa”

Maraykanku wuxuu bishii December ee sanadkii 2017kii joojiyay taakuladii dhaqaale ee uu siin jiray ciidamada Milateriga Soomaaliya, kadib markii ays oo baxeen in la musuqmaasuqa dhaqaalahaasi.

.