
Ciidamada Burundi ayaa xaqiijiyay in lix askari looga dilay weerar gaadmo ah oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku qaaday kolonyo ciidamada Burundi ah oo marayay meel u dhow degmada Balcad.
Afhayeenka ciiamada Burindi Col Floribert Biyereke ayaa warbaahinta u xaqiijiyay jiritaanka weerarkan.
Sidoo kale Ilo degaanka ku sugan ayaa sheegay in 6 ka mid askarta Amisom lagu dilay weerarka oo loo adeegsaday qaraxyo.
Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegtay in weerarka ay ku dishay ugu yaraan 10 askari
Axmed Meyle Makaraan Gudoomiyaha Gobalka Shabellaha dhexe ayaa dhankiisa Qasaaraha ku soo koobay in qarax lagu dhuftay mid ka mid ah gaadiidka ay ciidamada Burundi isticmaalayeen.











