Dawladda Federalka Soomaaliya oo Amniga Magaalada Dh/mareeb ee Xarunta G/mudug.

0
484

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ku sugan degmada Dhuusa-Mareeb ayaa khubad uu ka jeedinayay munaasabad lagu maamuusayay 01 Luulyo oo ku beegan markii ay gobollada Koonfureed ka xoreebeen gumeysihii Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay in Amniga degmada Dhuusa-Mareeb la wareegtay dowladda Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ku dhawaaqay in degmada Dhuusa-Mareeb laga bilaabo maanta ay ka furan tahay gogol dib-u-heshiisiinneed, islamarkaana lagu qaban doono sida uu hadalka u dhigay doorashada madaxda dowlad gobolleedka Galmudug.

Ciidamada dowladda Soomaaaliya ayuu faray in ay u diyaargaroobaan sugida Amniga magaalada xarunta u ah maamulka Galmudug iyo Dhuusa-Mareeb isaga oo dhanka kalana sheegay in ciidamada Ahlu Sunna la Qarameynayo tababarna loo furi doono.

“Hay’adaha Amniga Dowladda Federalka ah waa in laga bilaabo beri [Maanta] u diyaar garoobaan sugida Amniga xarunta Galmudug, Ciidama Ahlusuna ee aan ognahay kana dharagsanahay Juhdigii aay galiyeen nabadda ka jirta deegaanadaan, waa ineey u diyaar garoobaan laga bilaabo bari in la qarameeyo oo tababar loo furo” Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Maamulka Ahlu Sunna oo muddo dheerba ka soo horjeeday in amaanka deegaannadaas lagala wareego ayaa hadda u muuqda in ay ku qancay go’aanka dowladda ee ah in tababar loo furo ciidamada Ahlu Sunna, kaddib wada hadallo is xig xigay oo Dhuusa-Mareeb ku dhaxmaray ra’iisal wasaaraha iyo hoggaamiyayaasha Ahlu Sunna.

Arrimahan oo dhan ayaa imanaya xili la soo afjray gabi ahaanba khilaafkii u dhaxeeyay dowladda dhexe iyo madaxda maamulka Galmudug oo isku afgartay in doorashada waqtigeeda lagu qabto.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maalintii shalay xarunta madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay madaxweyne Farmaajo, waxaana uu ahaa kulan qeyb ka ah soo afjarida khilaafkii labada dhinac.