Friday, March 29, 2024
Home Wararka Wafdi Uu Horkacayay Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Maanta U Dhoofay Dalka Qadar.

Wafdi Uu Horkacayay Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Maanta U Dhoofay Dalka Qadar.

0
356

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo Qatar waxa uu kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal la yeelan doonaa mas’uuliyiinta dalkaasi.

Dowlada federaalka ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Qatar ayaa leh xariir wanaagsan tan iyo markii Soomaaliya diiday inay raacdo xulafada Scuuudiga ee xayiraada saaray wadanka Qadar.

Ra’isul Wasaaruhu kama hadlin ujeedka safarkiisa, sidoo kale xafiiskiisu faahfaahin dheeri ah kama bixin booqashada Ra’isul wasaaraha ee Qadar.

Safarka Ra’isul wasaaraha ayaa ku soo aaday iyadoo magaaladda Maka ee Sucuudiga uu madaxweyne Farmaajo kaga qaybgalay shirka madaxda Carabta iyo shirka Iskaashiga wadamada Islaamka oo maanta lagu soo gabagabeeyay Magaaladda Maka.

.