Dhageyso: Dacwadda iyo Eedda Ehelada Marxuum G/le Dhexe Cabdi Cali Seed oo Dilkiisa Ku Eedeeyey Saraakiil iyo Askar Isugu Tagey.

0
657

Gaashaanle sida la sheegay la dilay

Ehelka Gaashaanle dhexe Cabdi Cali Seedi ayaa sheegay in Booliska Soomaaliya ay wax badan ka og-yihiin sababta loo dilay marxuunkaas.

Gepostet von Goobjoog am Sonntag, 9. Juni 2019

Eheladda Marxuum Cabdi Cali Seed ayaa Sheegay In aysan Ku Qanacsaneyn Kuna Qanci Doonin Sida Beenta ah ee  Sarkaalka Looga Been Sheegay Geeridiisa ayna U Haystaan Rag uu Marxuumku Hore U Sheegay In ay Doonayaan In ay Dilaan,Dad Wax Laga Weydiiyey Astaamaha Lagu Garto Qof is Dilay Waxey Xaqiijiyeen In aaney Jirin Haba Yaraatee Wax Muujinaya In Marxuumku Is Dilaey ay Caddahey In La Dilay,Kadibna Loo Diiday In Caruurtiisa iyo Ehehelkiisu Sawirro Ka Qaataan,Aastaan,ama Lala Wadaago Baaritaanka ay Sheegeen In La Sameynayo.

Waa Dhab In aaney Jirin Cid Loo Qabtey ama Loo Xirey Tuhumada Dilka Sarkaalka Hadey Tahey Saraakiishii U Yeeray iyo Askartii Waardiyaha Ka ahaa Xerada oo la Kala Wareegay Subaxii Xerada Waardiyaheeda,Waa Xaqiiq in aan Waxba Laga Ogeysiin Aaska Marxuumka Eheladiisa Sidaas Darteed Waxaan Dilka Marxuumka U Aragnaa In Arintu Tahey (Toogo oo u Tacsiyee) ayna Caddahey In La Dilay ayey wax Garadka iyo Ehelada Marxuum G/lle Dhexe Cadi Cali Seed Kusoo Gunaanadeen Shirkooda Jaraa’id.