C/xakiim Xaaji Camey Safiirka Soomaaliya u Fadhin Doona Dalka Itoobiya oo Gaarey Dalkaasi.

0
521

Safiirka cusub ee dhawaan dowladda Soomaaliya u magacaawday dalka Itoobiya horeyna u soo noqday madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Camey ayaa gaaray magaalada Addis Ababa.

Safiirka ayaa horay waxaa u ansixiyay golaha xukuumadda Soomaaliya oo u magacaabay in uu noqdo safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya.

Addis Ababa waxaa ku so dhaweeyay mas’uuliyiin kala duwan iyo Diblomaasiyiin Soomaaliyeed, waxaana lagu wadaa in warqadihii Aqoonsiga Danjire-nimo uu u gudbiyo haweeneyda madaxweynaha ka ah dalkaasi Itoobiya.

Camey oo horey u soo noqday madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa siweyn u taageersanaa dowladda Soomaaliya, marar badanna waxaa ay arintaa isaga horyimaadeen madaxewynihii dowlad gobolleedka Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo siweyn u mucaaradsanaa siyaasada dowladda dhexe ee Soomaaliya.