Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ka soconaya qabanqaabada shirka Amniga Qaranka oo la filayo in galinka dambe ee maanta uu furmo magaaladaasi.
Shirkan ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacay waxaana maanta lagu wadaa in uu ka furmo magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.
Dib u dhaca shirkaan ayaa ka dambeysa kadib mad madoow soo kala dhax galay madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dowlada dhexe, taas oo keentay dhowr mar baaqdo shirkan.
Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay waxaa la filayaa in maanta magaalada baydhabo ay gaaraan mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa shirkaasi.
Lama oga shirkan maanta uu ka qeybgali doonaan madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo inta badan fura kulanka Amniga Qaranka.
warsom2011@gmail.com