M/weynayaasha M/goboleedyada K/galbeed iyo Hirshabeele oo Muqdisho Soo Gaarey.

0
494

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare Koofurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka soo degey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kadib markii ay maalmihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi.

Madaxdan ayaa waxaa garoonka caalamiga ah Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Federaalka, iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabelle.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa mudada uu joogay magaalada Nairobi kulamo kula soo qaatay qaar ka mid ah ururada caalamiga ee daneeya arrimaha Soomaaliya kuwaasi oo ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarinta shaqaalaha Hirshabelle, dib U dhiska iyo fulinta mashaariicyo horumarineed oo laga hirgaliyo deegaanada iyo dhisida ciidamada Boliiska Hirshabelle.

Madaxweynayaasha ayaa lagu wadaa in ay uga sii gudbaan Muqdisho dhinaca magaalada Baydhabo halkaa oo lagu wado in uu ka furmo shirka golaha Amniga Qaranka oo ay ka qeyb galayaan dowlad goboleedyada dalka ka jira iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

warsom2011@gmail.com