Ha’yadda Laanqayrta Cas ayaa ku dhawaaqday in ay labo kooxood oo dhakhaatiir ah ay u dirtay marinka Gaza si ay u caawiyaan dadkii dhawaan ku dhaawacmay qalalaasihii ka dhacay halkaasi.
Hay’adda ayaa sheegtay in dadkaasi ay la kulmayaan dhibaatooyin kala duwan oo ay uyu horreeyaan dhanka Caafimaadka.
Laan-qayrta Cas waxaa ay intaa ku dartay in dhaqaatirtan ay ku takhasuseen qaliinka waxaana la doonaya inay wax ka qabtaan baahida dhanka caafimaadka ee ka jirta Gaza.
Madaxa howlgalka ha’yadda ICRC ee bariga dhexe Robert Mardini wuxuu sheegay in dibadbaxyadii iyo rabshadihii Gaza ay gabaabsi dhanka adeegyada caafimaadka ay ku reebeen dadka deegaanka islamarkaasna xarumaha caafimaadka Gaza aysan qaabili karin dadka intaa la eg ee dhaawaca ah.
In ka badan 13,000 oo Falastiiniyiin ayaa ku dhaawacmay rabashadihii dhawaan ka dhacay xadka Falastiin iyo Israa’iil, sida ay sheegeen hay’addaha gargaarka.
warsom2011@gmail.com