Maamulka Somaliland Wariyeyaal ay Xir Xireen oo Xoriyadooda Dib u Helay.

0
469

Weriyayaashan oo laba maalmood oo is xiga ciidanka Boolisku ay qabteen ayaa loo haytey in ay olole dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood lagu kicinayo ay sameeyeen.

Sadex maalmood oo wadahadal maamulka iyo bahda Saxaafadda u dhexeeyey ayaa lagu guulaystey in la sii daayo C/samad Keyse Tungub oo Kaslsan TV u shaqaynayey iyo Maxamed Bidhaanshe oo SBS TV isaguna ka hawl gelayey.

C/Samad oo Warbaahinta Qaar kamid ah La Hadley ayaa u sheegay in uu ku qanacsan yahay shaqadiisa dhibka ka soo gaadha, inuu horey u soconayana waa ku soo gaabshey.

Xadhiga saxaafada ayaa sabab u noqday kacdoono magaalada Laascaanood ka bilaabmay oo salka ku haya dagaalada u dhexeeya Somaliland iyo Puntland, iyo wareegteeyin ay soo saareen madaxda Somaliland ee gobolka ku sugan oo lagu xadidayo hadalka Bulshada iyo Baahiyayaasha.

warsom2011@gmail.com