Garoonka Ballidooglle oo uu Booqdey R/wasaare Xasan Cali Khayre Si uu ugu Kuur Galo Hawlaha Garoonka.

0
553

Ra’iisul xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagay Garoonka Balli-Doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo ah saldhig ciidamada Mareykanka ku tababaraan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaano Danab.

Garoonka Balli-Doogle aya hadda waxaa ay xero militari u tahay ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandooska Soomaaliya iyo ciidamo ka tirsan howlgalka AMISOM.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha ku tagay xeradaas ayaa ahaa kii labaad, isagoo sanadkii hore sidan u booqday, waxaa kormeerka maanta ku wehliyay wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Xasan Cali, abaanduulaha ciidamada xoogga dalka iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul wasaaraha oo la hadlay ciidamada ayaa kula dardaarmay inay ka qeyb qaataan difaaca dalka

Dhawaan ayeey aheyd markii ballaarin lagu sameeyay garoonka Balli-Doogle oo ah meel istiraatiiji ah, waxaa u qeybsan yahay dhowr qeybood oo isugu jira qeybo diyaaradaha ka soo degaan iyo qeybo kale.