Degmada Baardheere ee G/gedo oo Xaley Wadaad Caan ah Lagu Diley.

0
535

 Rag bastoolado ku hubeysan ayaa lagu waramaya in xalay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ku dileen Sheekh Cabdiraxmaan Shariif oo ka mid ahaa culimada ugu caansan gobolka.

Alle ha u naxariistee Shiikha la dilay ayaa lagu magacaabaa Shiikh C/raxmaan Shariif, waxaana la dilay xalay fiidkii hore sida ay soo sheegeen dadka deegaanka ee degmada Baardheere.

Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa fuliyay dilka marxuumka waxaana lagu soo waramayaa in dadkii dilay ka baxsadeen halkii ay falkaas ka geesteen, ciidamada amaanka ayaan ku guleysan soo qabashada ragga dalka geystay.

warsom2011@gmail.com