Xiisad Dagaal aad u Culus oo ka Taagan Deegaanka ABAL ee Gobolka Bakool kaasoo u dhaxeeya Ciidamada Dawladda iyo AL-shabaab.

0
471

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Abal ee gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa maleeshiyaad Mukhtaar Rooboow ee halkaasi ku sugan iyo sidoo kale dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Deegaanka Abal ayaa waxaa ku xooggan maleeshiyaadka Mukhtaar Roobow, waxaana bilihii lasoo dhaafay kaabiga ku hayay ciidamo ka tirsan Al-shabaab.

Shalay ayaa maleeshiyaad daacad u ah Mukhtaar Rooboow, waxa ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn degankaasi.

Al-shabaab ayaa sheegay ay dileen saraakiil oo uu ka mid yahay Wiil uu dhalay C/llaahi Mukhtaar Rooboow, laakiin ma jirto cid kale oo xaqiijisay sheekada Al-shabaab.

warsom2011@gmail.com