Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kulankii ugu horeeyey la yeeshay golihiisa wasiiradda ee cusub, waxaana shirkaasi laga soo saaray toddoba qodob oo iyaga khuseeya.
Fadhigan golaha wasiiradda waxa ka soo qaybgalay 31 xubnood oo ka mid ah 32 xubnood ee golaha wasiiraddu ka kooban yihiin.
Madaxwyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu kalfadhigaa ka sheegay in xukuumaddan hiigsigeeda uu saldhig u yihiin Balanqaadyadii iyo Barnaamijkii Xisbigu ku galay ololaha iyo Qorshaha horumarinta Qaran ee labaad (NDPII).
“Kulankaa ugu horeeyey oo qaatay muddo saacado ah, wuxuu ahaa kulan isbarasho iyo is xog waraysi. Madaxwaynuhu wuxuu si gaara hoosta uga xariiqay muhiimadda ay leedahay Muwaadinimada wada jirka ummadda aynu masuulka ka nahay, isagoo Golaha faray in juhdi iyo dadaal midaysan loo galo sidii umadda loo midayn lahaa, loogana saari lahaa xanaftii ka dhalatay tartankii ololaha doorashada.”ayaa lagu yidhi qoraalka xafiiska madaxweynaha ka soo baxay.
Shirkan waxa laga soo saaray toddobadan qodob oo kala ah:
1. Waxaa dhamaan golaha lagu dhaariyey inay ilaashaan sirta golaha wasiirada iyo ta qarankaba.
2. In Golaha Wasiiradu ay diiwaan geliyaan dhammaan hantidooda (guurtada iyo maguurtadaba).
3. In dhammaan Golaha wasiiradu ay keenaan xogta shaqsiga ah ee sharcigu waajibiyey ee looga baahan yahay oo dhamays tiran.
4.In la qabto kulano joogta ah oo la xidhiidha qaabka wada shaqaynta iyo xoojinta shaqada ay wasiiraduhu qaranka u hayaan.
5. In dhammaan gobolada dalku ay u sinnaadaan caddaladda iyo horumarka.
6. Maadaama ay wasiiradu yihiin masuuliyiin Qaran loona igmaday xil qaran, waa inaan loo arag wasiir qolo, mid qoys iyo mid qabiil toona, sidaas darteedna ay reeban tahay in Wasiiradu ay ka qayb galaan casuumado beelaysan oo Wasiirka ay beeshiisu si gooniya ugu maamuusayo.
7. In xafladaha xilwareejinta ee mas’uuliyiinta cusubi ay kala wareegayaal mas’uuliyiinta xukuumaddii hore ay reeban tahay in lagu qabto meel ka baxsan xarumaha dawladda.
warsom2011@gmail.com