Dugsiga Tababarka Booliska ee Gen. Kaahiye oo Maanta Qof Miineysan isku Qarxiyey Dhimasho iyo Dhaawac ka dhacey.

0
630

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay Qarax subaxnimadii hore ee saakay ka dhacayXarunta School Polizio oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed

Warar kala duwan oo ka soo baxaya Qaraxa ayaa sheegaya in qof Ismiidaamiye ah oo ku Qarxay Barxda Dugsiga xili ay halkaa isku diyaarinayeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaliyeed.

Waxaana lagu soo waramayaa in Halkaa DHimasho iyo DHaawac aan tiradooda la xaqiijin uu ka dhacey,lamana oga sid xaaladda Hadda ay tahey

Saraakiisha hay’addaha Amniga wali wax war ah kama aysan soo saarin Qaraxan iyo khasaaraha ka dhashay intaba, waxaana dhawaaqa ka dhashay qaraxan laga maqlay inta badan caasimada.

Qaraxan wuxuu ku soo beegmay ciidamada Booliska oo u diyaar garobaya dabaaldagga 20 -ka December oo ku beegan Aas Aaska Ciidanka Boliska.

warsom2011@gmail.com