Xaalada deegaannadii ay maalintii shalay ku dagaalameen ciidamada Itoobiya iyo Al-shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa degan sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Dagaalka ayaa ka dhacay meel u dhaw deegaanka Ceelgaal oo qiyaastii 17km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Beledweyne.
Dagaalka ayaa dhacay kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab waddada u galleen ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse wararka ayaa sheegaya in dadki deganaa deegaannada u dhaw halka dagaalku ka dhacay ay ka carrareen guryahdooda, sababo la xiriira cabsi dhinaca amnigooda ah.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa horay u sheegay in qeybo ka mid ah gobolka soo galleen dagaalayaal ka tirsan Al-shabaab ka soo firxad ka ah duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ee Koonfurta Soomaaliya.
Maamulka gobolka Hiiraan kama uusan hadlin dhinaciisa dagaal shalay ku dhaxmaray gobolka Hiiraan ciidamada Itoobiya iyo Al-shabaab.
warsom2011@gmail.com









