Dagaal ku Dhexmarey Labo Beelood oo Walaalo ah Deegaanka Cagaare ee Ku yaal inta u dhaxeysa Gobolada Nugaaal iyo Sool.

0
590

Ugu yaraan 10 ruux ayaa la sheegay in ay ku dhinteen tiro ka badana ay dhaawacmeen kadib markii gelinkii danbe ee maanta uu dagaal ka dhacay degaanka Cagaare oo u dhexeeya degmooyinka Burtinle G Nugaal iyo Laascaanood xarunta G Sool.

Dagaalkan oo u dhexeeya laba beelood oo deris wadaag ah, kuwaas oo mudooyin badan dagaalo dadbadan salfaday ay labada beelood ku dhex mareen.

“Waxaa tuulada ka bilaabmay dagaal, runtii ma sheegi karo cida duulaanka bilawday waxanse hubaa in ay  dad badan dhinteen” sidaa WARBAAHINTA waxaa u sheegay nin  reer guuraa ah oo deganaa meel u muuqata tuulada.

Xidhiidh aan la samaynay labada dhinac ayaan suuragal ahayn in wax laga ogaado maadaama uu weli dagaal ka dhacayo dagaal gogoos ah.

dadka dhintay oo la sheegay in uu toban ruux gaadhayo oo ka tirsan labada dhinac ee dagaalamayey.

Gurmad xoogan ayaa ka sicinaya labada dhinac, kuwaas oo Ku sii qulqulaya deegaanka dagaalku ka socdo oo ahayd tuulo dagaal soo noqnoqday hadheeyey oo ahayd waqtigan mid ay  ku yar yihiin dadka rayidka ah.

Ma muuqato wax dhaqdhaqaaq ah oo sidii colaada loo joojinlahaa iyadoo dalad deganka Itopia at dhawr jeer oo hore wax ka qabatay go’aano adagna dhex dhigay balse aan noqon mid sheqeeya.

warsom2011@gmail.com