Aqalka Kongareska Maraykanka ayaa shalay kasoo korjeestay diidayna diidmadii qayaxneyd ee Madaxweyne Obama uga soo horjeestay biil sharci oo u saamaxya ehelada dadkii ku dhintay weeraradii 9/11 inay dacweeyaan dawlada Sacuudi Carabiya.
Tani waa diidmadii ugu horeysay ee mudnaan ka yeelata go’aanada Obama intii uu xilka hayay oo sideed sano ah.
Diidmada Kongareska ayaa ahayd 348-76, taasoo xubnaha aqalkaa ee u codeeyay ay aad uga badnaayeen labo meelood saddex meelood marka loo qeybsho xubnaha aqalkaa.
Labo meelood saddex meelood marka loo qeybsho xubnaha aqalkaa ayaa loo baahan yahay inay g’aan meel mariyaan aqalkaa.
Goor markaa kasii horeysay ayaa Senate-ka dalkaasi uu diidmo qayaxan uga soo horjeestay ayadoo ay ahayd 97-1, marka “Qodobka Caddaalada ka dhanka ah Taageereyaasha Argagaxisonimada” ayaa noqon doona sharci gudaha dalkaasi Mareykanka.
Diidmada qayaxan ayaa dhib weyn ku ah Obama iyo dawlada Sacuudiga oo gacan saar la leh Mareykanka kana mid ah dalalka isbahaysiga la leh Mareykanka ee dunida Carabta.
warsom2011@gmail.com