Marxuum Maxa’d Aadan Qoordheere oo dabley hubeysani Muqdisho ku toogteen.

0
643

Xalay ayaa abbaare maqribnimadii waxaa rag ku hubeysnaa bastoolado ay toogasho ku dileen Maxamed Aadan Qoordheere oo ka tirsanaa Wasaarada Caddaalada ee DFS.

Qoordheere ayaa wuxuu kasoo baxay masaajid uu ku tukaday salaada maqrib, degmada Waaberi ee Muqdisho halkaa oo uu daganaa.

Raggii dilay ayaan la aqoonsan goobtiina ka baxsaday ka hor intii ciidamada dawladu aysan halkaa imaan. Majirto cid sheegatay dilkaa.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqataa in dilalkii qorsheynaa ay soo noqonayaan caasimada Muqdisho ayadoo Talaadadii aanu soo dhaafnay sidaa oo kale dabley aan heybteeda la garan ay dishay al-marxuum C/Caziiz Maxamed Cali oo ahaa wariye ka tirsanaa Radio Shabelle.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak