-Dawlada Mareykanka ayaa bayaan kasoo baxay saaka ku cambaareysay dilkii loo geystay Allaha u naxariistee wariyehii idaacada Radio Shabelle ee dhawaan lagu dilay Muqdisho.
Rag ku hubeysnaa bastooladu ayaa dilay marxuumka taariikh 27 bishaan. ‘Dawlada Mareykanka ayaa aad u cambaareyneysa dilkii qorsheysnaa ee 27ka Sitembar loogu geystay wariye Soomaaliyeed, C/Caziiz Maxamed Cali gudaha Muqdisho’, ayaa lagu yiri bayaanka.
Dawlada Mareykanka ayaa tacsi u dirtay qoyskii iyo axsaabtii Wariye C/Caziiz Maxamed Cali.
Dawlada Mareykanka ayaa bayaankaa gudihiisa ugu baaqday dawlada federaaliga ah ee Soomaaliya inay soo baarto dilka dadkii ka dambeeyayna ay sharciga la tiigsato.
warsom2011@gmail.com