Al-shabaab ayaa kusoo bandhigtay muuqaal fiidiyow ah askari ka tirsan Ciidanka Uganda ee AMISOM, kaasoo ay Sannad ka hor ku Qabsadeen Weerar ay Sannadkii hore ku qaadeen saldhig ay ciidankan ku lahaayeen deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelada Hoose.
Askarigaan oo magaciisa ku sheegay Massasa M.Y. ayaa muuqaalka lagu soo bandhigay kaga dalbaday mas’uuliyiinta dalkiisa in gacan ay ka geystaan sidii lagu sii dayn lahaa.
“Fadlan… halkaan yaan la igu illoobin,” ayuu yiri askariga oo intaa ku daray. Anigu waxaan ahay askari ka tirsan Ciidamada Uganda, Waxaana gacanta ugu jiraa Al-shabaab, Waana inaad la Timaadaan xal la igu sii dayn karo anigoo Amaan qaba.”
Massasa M.Y. ayaa wuxuu xirnaa dharka ciidamada Uganda, ayaa ka mid ah tiro ciidamada Uganda ah oo ay Xarakada Al-shabaab sheegtay in weerar ay ku qaadeen Saldhigga Ciidanka AMISOM ee Janaale ku qabsadeen.
Al-shabaab, ayaa sheegtay in ay Weerarkaas ku Dileen ugu yaraan 50 Askari oo Ciidamada Uganda ee AMISOM ka Tirsanaa, inkastoo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni uu muddo dambe sheegay in looga dilay weerarkaas 12-Askari oo keliya.
Dhanka kale, Afhayeenka millateriga Dalka Uganda, Col. Paddy Ankunda ayaa sheegay in Askarigaan lagu Arkay Muuqaalkaan ay Al-shabaab Isniintii shalay soo bandhigtay uu ka mid ahaa ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.
Ugu dabmeyn, Xarakada Al-shabaab ayaa maalin ka hor maydadka Askar ka tirsanaa ciidamada Kenya oo lagu dilay Weerar ay ku qaaday Kooxdu Saldhig ay Booliiska Dalka Kenya ku lahaayeen Deegaanka Hoomey oo ka tirsan Degmada Gaarisa iyo gaari ay kusoo qabsadeen weerarkaas.
warsom2011@gmail.com