Xaalad cunto yaraan iyo danbiyo ka dhan ah aadanaha oo hey’adaha samafalku ka soo sheegayaan K/sudan.

0
588

Muddo laba sano ah ayaa laga joogaa markii ay ka billowdeen colaadaha sokeeye Koonfurta Suudaan, taasoo ku beegnayd bishii December ee sanadkii 2013-kii. iyadoo hay’adaha samafalku ay walaac xooggan ka muujiyeen xaaladda dalkaas ka taagan.

Hay’daha gargaarka ayaa ka digayaan in cunto-yari aad u daran ay dalkaasi soo wajeheyso, waxayna dalbanayaan in tallaabo deg-deg ah laga qaado dambiyada dagaalka ee ka taagan Koonfurta Suudaan.

Inkastoo dhinacyada ku dagaallamaya wadamada ay heshiis nabadeed dhowr bilood ka hor kala saxiixdeen si qalaasaha loo soo af-jaro, ayaa haddana hal milyan iyo bar qof ay weli ka maqan yihiin guryahooda, kuwaasoo ka cararay colaadaha.

Sidoo kale, waxaana la filayaa in roobab yar oo dalkaasi ka da’a isbuucyada soo socda ay sababaan dhibaatooyiin badan. Tirada dadka gaajeysanna aad ayay u badan tahay. Ku dhowaad afar milyan oo qof ayaa waxaa haysta cunno-yaraan aad u daran sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Tira-koobka ku saleysan dadka ay cunno-yaraantu ku hayso Koonfurta Suudaan ayaa ah qiyaastii seddax meelood meel marka loo eego tirada dadka dalkaas u dhashay.

“Waxay gaajo ba’an haysataa 30,000 oo ruux, waxayna hal dhibic ka hooseeyaan heerka macluusha, arrintaas ayaana ka dhalatay dagaallada oo weli sii socda & roobab wanaagsan oo aan dalkaas ka di’in,” ayaa lagu yiri warbixin QM ay kasoo saartay xaaladda nololeed ee dalka Koonfurta Suudaan.

Dhanka kale, warbixinta hay’adaha gargaarka ayaa lagu xusay in tani iyo markii muranka siyaasadeed ee u dhexeeyay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisii hore ay isku bedeleen laba sano ka hor gacan ka hadal, iyadoo madaxweyne Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar ay awoodi la’yihiin inay ixtiraamaan heshiiska nabadeed ee ay wada-saxiixeen.

Colaadda Koonfurta Suudaan ka socda ayaa ku qasbay 185,000 oo qof inay guryahooda ka cararaan oo ay xeryaha Qaramada Midoobay ee waddankaas ku yaalla magan-galyo ahaan u galaan.

“Dadweynaha cusub ee magan-galyo ahaanta u galaya xeryahaas ayaa waxaa ka muuqata macluul daran, cudurraduna waxay ku baahayaan dalkaas oo dhan,” ayaa mar kale lagu yiri warbixinta hay’adaha samafalka.

Ugu dabmeyn, waxaa warbixinta lagu xusay inay jiraan dil qorsheysan, kufsi iyo dambiyo kale oo inta badan ka dhaca Koonfurta Suudaan, iyadoo lagu baaqay in si buuxda loo baaro dabmiyadaas iyo cidda geysanaysa.