Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay Muqdisho wakiilka ururka Midowga Afrika ee arrimaha Somalia, danjire Francisco Caetano Jose Madeira.
Xasan Sheekh iyo Francisco Caetano ayaa ka wadahadlay hawlaha AMISOM ee Somalia, guulaha la gaaray, caqabadaha u baahan in laga gudbo iyo in la xoojiyo xiriirka iyo wax wada-shaqeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.
Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa danjiraha u xaqiijiyay in dowladda Somalia ay si buuxda u la shaqeyn doonto, isla markaana ka mahad-celiyay sida ururka Midowga Afrika ugu soo gurmadey Soomaaliya.
Danjire Madeira ayaa isagana dhankiisa ugu horreyn wuxuu madaxweynaha Somalia soo gaarsiiyay dhambaal uu uga siday guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Dr. Dlamini Zuma, waxaana uu ballanqaaday inuu meesha kasii wadi doono hawlaha muhiimka ah ee AMISOM ay ka hayso Somalia.
Ugu dambeyn, kulanka waxaa goobjoog ka ahaa ku-xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, Lydia Wanyoto Mutende iyo mas’uuliyiin dowladda Somalia iyo Midowga Afrika ka kala socday.