SHaqaalaha canshuuraha berriga oo tababar uu u soo xirey Wasiirka Maaliyadda soomaaliya.

0
666

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Farkeeti ayaa maanta u soo xiray aqoon-is-weydaarsi laba todobaad u socotay ciidamada ilaalada canshuuraha iyo shaqaalaha wasaaradda maaliyadda ee ka howlgala canshuuraha barriga.

Aqoon-is-weydaarsigan ayaa ujeeddadiisu ahayd in lagu barto wada-shaqynta ka dhaxaysa qaybaha kala duwna ee ku howlan ururinta canshuuraha dalka, taasoo laf-dhabar ku ah kor u qaadidda dakhliga dalka.

Taliyaha ilaalinta canshuuraha Jen. C/llaahi Xasan Bariise ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta ciidamada booliska iyo shaqaalaha wasaarada Maaliyaadda XF Soomaaliya.

“Waxaa sharaf noo ah in maanta nala joogaan taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya iyo wasiirkii maaliyadda, waana arrin nagu cusub inaan maanta u fadhino muddo badan dalku uu ku jiray burbur sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta ka dhaxeysa wasaarada maaliyada iyo ciidamada ilaalada canshuuraha (Turuba-taariyo). Waa inaad si wadajir ah u ilaalisaan hantida shacabka Soomaaliyeed, waxaadna ogaataan dalka waxaa horay u dhisay canshuur, haddana waa inaan soo noolaynaa kaabyaasha dhaqaalaha dalka,” ayuu yiri Jen. C/llaahi Bariise.

Taliyaha ciidamada booliska Somalia, Jen. Maxamed Sheikh Xasan Xaamud ayaa sheegay inay maanta farxad u tahay ka soo qayb-galka soo xirtaanka aqoon-kororsiga madaama aan berri u dabaal-dagayno 72-sano guuradii ciidamada booliiska Soomaaliya.

“Maanta waxaan soo xaadiray mid ka mid ah wax-qabadka looga baahan yahay ciidamada inay u qabtaan bulshadooda, meeshii aan shalay joognayna maanta ma joogno, isbedello dhan kasta ah ayaa ka socda Somalia, haddii aan canshuurta la soo aruurinna suuro-gal ma noqonayso in nabadda aan sugno ama dalkaan uu horumar ku talaabsado, duruufaha amni awgeed ciidanka waan isku badali jirnay, laakiinse hadda ciidanka ilaalada canshuraha waxaan u daynaynaa la shaqaynta wasaaradda maaliyadda,” ayuu yiri Jen. Xaamud.

Sidoo kale, wasiirka maaliyadda Somalia, Farkeeti ayaa isna sheegay in aqoon-kororsigaan uu yahay billow, hadda kaddibna la joogtayn doono, madaama ay tahay waxa ugu muhiimsan ee canshuurta lagu qaadi karo sharciga, waa in la bartaa sharciga canshuurta lagu qaado.

“Khamiistii lasoo dhaafay waxaa golaha wasiirrada Somalia la mariyey tariifadii, waxaana loo gudbin doonaa baarlamaanka si ay u sharciyeeyaan. Canshuurtu waa udub-dhexaadka dakhliga dowladdu ugu adeegto shacabkeeda, waxaana maanta sumcad-darro noo ah in la yiraahdo mushaarkii ciidamada ayaa la waayey. Wixii hadda ka dambeeyana wasaaraddu waxay isugu gaynaysaa dadaalkeeda sidii kor loogu qaadi aruurinta canshuuraha barriga, waxaana meesha ka saaraynaa nidaamkan lacagta lagu qaadayo ee gacan-dhiibka, waxaana ku gudo-jirnaa diyaarinta nidaam casri ah oo lagu aruuriyo canshuuraha barriga.

Ugu dambeyn, Wasiir Fargeeti ayaa sheegay inuu si gaar ah ugu mahad-celinayo Taliyaha ciidamada booliiska, sida wanaagsan ee ula shaqeeyo wasaaradda maaliyadda, Wuxuuna sidoo kale xusay inuu u hamablyeynayo taliska ciidamada booliiska Somalia oo berri ay ku began tahay 72s-sano guuradii kasoo wareegtay asaaskii ciidamada booliiska Soomaaliya.