Munaasabad si weyn loo soo agaasimey oo ay soo diyaariyeen TVga HORN CABLE ayna kasoo qeyb galeen masuuliyiin ka socotey TVga horn cable,wasiiro,xildhibaano,madaxda xisbiyada siyaasada dalka,ururada bulshada rayidka ah,haween,dhaliyaro iyo saxafiyiinta dalka taas oo lagu xusayey sanadkii afraad ayaa muqdisho ka dhacdey.
Munaasabada oo ay sidoo kale kasoo qeyb galeen aabihii dhaley allaha u naxariistee C/salaam sheekh Xasan XIIS iyo marti sharaf kale oo lagu casumey ayaa ugu horeyn waxaa goobta ka hadley agaasimaha bartamaha iyo koonfurta TVga horn cable C/qaadir Dulyar isagoo soo bandhigey sawirada iyo magacyada in ku dhaw 40 wariye oo la diley iyagoo hawshooda ku guda jira.
DHamaan mas’uuliyiintii goobta ka hadley ayaa ku dheeraadey taariikhdii iyo hawlkarnimadii allaha u naxariistee C/salaan SHeekh Xasan xiis,waxaana alle looga baryey in janadiisa uu ka waraabiyo isaga iyo inta kale ee dhimatey iyagoo gudasha shaqadooda ku guda jira,iyadoo mas’uuliyiintii ka socdey TVga Horn cable ay sheegeen in mushaarka C/salaam Xiis uu u socdo una socon doono inta uu shaqeynayo TVga horn cable wiil yar oo uu ka tageyna ilaa heer jaamacadeed uu kafaalo qaadey milkiilaha TVga Farxaan.
Gudomiye ku xigeenka xisbiga midnimadda jamhuuriga soomaaliyeed ahna ku simaha gudoomiyaha xmjs Cali Maxamed Nuux timajilic ayaa sheegey in afar sano la marayo iyadoon maxkamad la soo taagin kuwii ka danbeeyey dilka allaha u naxariistee C/salaam XIIS iyadoo la garanayo kuwii diley horena loo sheegey,wuxuuna ku adkeystey tima jilic in aan laga hari doonin dhagar qabayaasha maanta ku raaxesanaya dunida guudkeeda mar uuna la soo qaban doono,iyadoo sidoo kale goobta laga xusey wariye Maxamed Aweys Muudeey boqorka bartamaha oo geeri iyo nolol waxa uu ku suganyahey cidina aysan ogeyn.
Ugu danbeyntiina TVga ayaa gudoonsiiyey shahaadooyin wariyeyaal gobolada uga soo hadla TVga horn cable oo tababar uga socdey beryahan magaalada Muqdisho kuwaasoo ka kala yimid dhamaan gobolada dalka soomaaliya iyadoo kasoo qeyb galayaashu qireen in TVga horn cable uu mudanyahey in lagu daydo sida wanaagsan ee uu ula dhaqmayo shaqaalihiisa meel kasta oo ay joogaan hadey dhintaan iyo hadii ay noolyihiinba.