Maamul goboleedka Galmudug wufuud ka socota oo gaarey G/hiiraan magaalada B/weyne.

0
759

Wafdi isugu jitra wasiirro xukuumada Soomaaliya, xildhibaano iyo madaxweynaha maamul-gobolleedka Galmudug isugu jira ayaa goor-dhow gaaray magaalada Beledweyne e xarunta gobolka Hiiraan.

Xubnaha wasiirrada XFS ayaa waxaa ka mid ah; wasiirka Amniga gudaha, C/risaaq Cumar Max’ed, Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraaha, Wasiirka batroolka, Wasiir-u-dowlayaasha madaxtooyada, maaliyadda iyo xildhibaanno ay ka mid yihiin; Daahir Amiin Jeesoow iyo xildhiaan Maxamed Maxmuud Goodir.

Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Beledweyne, ayaa ujeedka socdaalkooda ku sheegay sidii ay qayb uga noqon lahaayeen dadaallada nabadeed ee socda, isaga oo ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya in ay u hogaansamaan baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo.

Xubnaha wafdiga ayaa intaa kaddib loo soo galbiyay xarunta maamulka gobolka Hiiraan halkaasoo ay ka bilaaban doonaan kulamo wadda-tashi ah oo ay la yeellanayaan odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beellah dagaallamaya.

Warka oo faah faahsan waxaad kula socon doontaan wararkeena danbe…