SHir ay galabta yeesheen xubno ka tirsan Xisbiga midnimadda jamhuuriga soomaaliyeed iyo xubno ka socdey xisbiyo kale ayaa looga doodey Ganacsiga soomaaliya oo lagu sheego in uu yahey mid xor ah balse xaqiiqdu taas ka fogtahey.
Gudoomiye ku xigeenka xisbiga minimadda jamhuuriga soomaaliyeed ahna kusimaha gudoomiyaha xmjs Cali Maxamed Nuux timajilic ayaa soo bandhigey shati iyo waraaqo canshuuran oo ay leedahey ama ay ku qorantahey SHikadda dhoofinta iyo soo dajinta BALQIISA,kuwaasoo uu timajilic sheegey in koox yar oo aan la aqoonin waxa ay bulshada u hayaan diideen in badeecada dalka uu gato nin lagu magacaabo MAXAMED AL-YAZIIDI oo u dhashey dalka YEMEN.
Timajilic ayaa sheegey in arintan uu isagu laftiisu soo ogaadey ninkaas walaalkeen ahna loola dhaqmey si aan Yuhuuda loola dhqmin lana khasaariyey lacag dhan 9,000 dolar sidii maalin walba looga qaadanayey laaluush iyo xisaabo been ah iyadoo la leeyahey beri ayaan kuu soo rareynaa liin dhanaan qalalan oo labaatan tan ah.
Ugu danbeyntii ayaa gudoomiye timajilic wuxuu ugu baaqey xukuumadda hada jirta in ay arintaas ka hor tagto nimankaasna dadka laga qabto hadii kale ay sameyn doonaan mudaharaad iyo iyo banaan bax looga soo horjeedo kooxda rabta in ay keligood noolaadaan iyagoon umada kale waxba u reebin.
Waad ogtihiin sida dalka YEMEN soomaalida loogu soo dhaweeyey markii dalkeena dagaaladu ka dhaceen iyagoo xor u ahaa ganacsiga iyo waxa ay ka shaqeysanayaan sideebaan maanta ugu abaal gudnaa in aan dhahno waxba dalka kama gadankartaan iyagoo lacag adag oo dalku u baahanyahey wata ayuu yiri Timajilic oo carro aad u ba’an ka muuqato.