Askeri toogasho ku diley taliyihii ciidanka birmadka Berbera oo gacanta lagu dhigey.

0
650

ALLAHA u raxmadee taliyihii ciidanka Birmadka Somaliland Aadan Guuleed Daahir [Tallaabo] ayaa maanta waxaa toogasho ku dilay askari ka tirsanaa ciidankiisa, kaddib markii taliyuhu amar uu siiyay u hoggaansami waayey, uuna ku furay taliyihiisa rasaas sababtay dhimashadiisa.

Askariga oo aan la garanayn sababta uu rasaasta ugu furay taliyahiisa, ayaa waxay rasaastii uu furay sababtay in taliyuhu markiiba u geeriyoodo, waxaana maydka taliyaha la dilay la geeyay isbitaalka magaalada Berbera, iyadoo askarigii dilka gaystayna xabsiga lagu hayo.

Toogashada taliyahan waxaa ka dhashay mudaharaad ay dad diiddan dilkaasi iskugu soo baxeen magaaladda Berbera, inkastoo markiiba ciidanku kala dareeriyeen.

Alle ha u naxariistee marxuum Tallaabo, ma ahan taliyihii u horreeyay ee ay askar ka tirsan ciidamada Somaliland toogasho ku dilaan, waxaana muddooyinkan dambe la arkayay askar taliyeyaashooda tooganaya.