Madaxweyne Xassan Sheekh iyo R/wasaare Cumar Cabdirashiid oo shaqo dadban u dhiibay Hussein Xalane iyo Sambaloolshe

0
512

Warar hoose oo aan ka heleyno dhanka xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu qorsheeyay in Hussein Abdi Halane iyo C/llahi Sambaloolshe ay si hoose usii wataan shaqooyinkooda ku aadan Xukuumada islamarkaana ay shaqada garab kusiiyan Labada wasiir ee la magacaabay oo aan heysan aqoon xilalkaasi maareynkara.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka kana mid ah kuwa ku dhowdhow Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sheegay inay heleen xog ku aadan in labadaasi mas’uul uu Madaxweyne Xassan ku qanciyay inay si caawinaad ah uga hoos shaqeeyan Wasiirada Amniga iyo Maaliyada oo iyagu aan Khibrad fog u laheyn howlaha loo igmaday.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in qorshahaasi uu muujinaayo inay weli jiraan faragalin hoose oo lagu hayo Xukuumada Soomaaliya, waxa uuna arrintaasi ka muujiyay walaac.

Wuxuu sheegay in marba marka xigta ay meel kasii qurmeyso boogta la dhayay, taasina looga gudbi karo in Madaxweyne Xassan uu daacad u noqdo Siyaasada dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay in Madaxweyne Xassan uu magac u yaal ka dhigi rabo Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeti” oo ah Wasaaradda Maaliyadda iyo Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasaaradda Amniga Gudaha oo isaguna kamid ah Wasiiradii ugu dambeeyay ee uu la imaaday Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid