Itoobiya oo ciidamo geynaysa Magaalada Kismaayo

0
498

Ciidamo nabad-ilaalin oo dheeri ah oo ka socda dalka Ethiopia ayaa lagu wadaa in la geeyo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, si loogu beddelo in ka badan 800 oo askari oo u dhashay dalka Sierra Leone oo bishii hore dib loogu celiyay dalkooda.
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa bishii October ee sanadkii hore hakiyay ciidamo hor leh oo ka socda dalka Sierra Leone in la geeyo Soomaaliya, kaddib markii askari ka mid ah ciidankaas laga helay cudurka Ebola.
Dowladda Ethiopia ayaa bishii December ee sanadkii tagay shaacisay in ay diyaar u tahay in ay beddesho ciidan kasta oo ka baxa howlgalka AMISOM.

In kabadan 4,300 oo askari ayaa hadda Ethiopia ka jooga Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.
Xarunta tababarrada nabad-ilaalinta caalamiga ah ee Ethiopia ee dalalka Geeska Afrika ayaa Khamiisti shaacisay in Ethiopia ay ciidamo dheeri ah u dirayso dalalka Soomaaliya, Koonfurta-Suudaan iyo gobolka Abyei oo ay ku muransan yihiin labada Suudaan.