Amaanka Muqdisho oo faraha ka baxay iyo falalkii ugu yaabka badnaa ee ka dhacay?

0
471

24-kii saac ee ugu dambeeyay 10 dil ayaa ka dhacay Muqdisho, ammaanka caasimaddu faraha ayuu ka baxay, iyadoo taliyaha cusub ee Nabadsugida Gobolka Banaadir ninka loo magacaabay Cabdi Xakiin Fareey uu weli ka soo bixin xafiiskiisa halka Taliyaha Nabadsugida Cabdiraxmaan Tuuryarana xaaladiisa caafimaad laga dayriyay.
Howladeeenno ka tirsan Waaxda Hawada iyo Duullimaadyada Soomaaliya (Civil Aviation) ayaa lagu dilay Magaalada Muqdisho. waxaana la xaqiijiyay iney dilkooda fuliyeen Nabadsugida Maamulka Somaliland oo ka cabsi qabay in Muqdisho loo raro Xarunta laga koontaroolo Hawadda Somalia.
Aqoonyananadda iyo Masuuliyiinta la dilay waxaa ka mida Abuukar Caddaan oo ahaa Xeeldheere ku taqasusay Duulimaadyadda Hawada.
Magacyada Afarta ruux ee la dilay iyo Shaqooyinka ay hayeen:
1- Abuukar Cadaani (Agaasimaha Gaadiidka Hawada)
2- Maxamed Axmed Haaruun (Maareeyaha Maaxidda Hawada)
3- Xuseen Hilowle Cadaan (Darawal)
4- Maxamed Kediye Jimcaale (Madaxa Maamulka)
Yusuf Garaad Cumar ayaa yiri” Waxaan ku bartay Abukar Caddaan Centre Culturel Francais ee Muqdisho 1989 mar aan macallimiin ka ahayn oo aan dhigi jirnay Afka Faransiiska. Xilligaas wuxuu ka shaqeyn jiray Wasaaradda Gaadiidka. Ka sii horna wuxuu jaamacad ku soo dhigtay dalka Faransiiska
Taliyaha Nabadsugidda Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa diiday in Saraakiisha Al-Shabaab ee Xasan Xanafi iyo Shucayb ka mid yihiin Maxkamad la geeyo si loogu xukumo dimbiyadda ay galeen .
Sidoo kale Degmadda Kaaraan Qarax ayaa ka dhacay shalay, habeen hore waxaa la soo weeraray Huruwaa, Maanta Wariye ka tirsan SONNA ayaa Miino loogu xiray Gaarigiisa, waxaana Wariyahaas lagu magacaabaa Cabduqaadir ,inkastoo Ciidanka Boliiska ay ka fureen qaraxii loogu xiray Baabuurkiisa.
waxaa sidoo kale maalin hore Xaafadda Taleex ee Degmadda Hodan lagu daadiyay Warqado Digniino ah oo ay daadiyeen Al-Shabaab, waligeed ma dhicin in maalin cad warqado lagu daadiyo Muqdisho
Waxaa soconaya qorshayaal xilka looga qaadaa Taliyaha ku fashilmay Amniga ee Cabdiraxmaan Tuuryare oo uu adeer u yahay Madaxwayne Xasan Garguurte, waxaana la aaminsan yahay inuu ammaanka Caasimadda faraha ka bixiyay.
Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Somalia Cabdiraxmaan Tuuryare wuxuu sameeystay Koox la yiraahdo A-C oo wata Baabuurta loo yaqaan Muqdisho Kaaribyo yar yar iyo baabuur kale oo raaxo, waxaa u madaxa nin la yiraahdo Cali Yare oo ka soo goostay Al-Shabaab, waxa uu kooxdan siiyay isgaarsiin gaara ah oo isaga iyaga bas ay isku maqlayaan, waxayna dhamaantood ka yimaadeen Al-Shabaab.
Kooxdaan wuxuu Cabdiraxmaan Tuuryare u sameeystay iney dilaan Wariyeyaasha,Siyaasiyiinta ,Oday dhaqameedyadda iyo shaqsiyaadka isku daya iney ka hor yimaadaan siyaasadda Damujadiid.
Taliye Cabdiraxmaan Tuuryare oo awooda qabyaaladda ku jooga Xafiiska Nabadsugida ,Lacagta Hay’adda waxaa uu ku shubtaa Jeebkiisa, Waxaana u qaabilsan nin la yiraahdo Muqtaar oo Raxanwayn ah, kaasoo ah Madaxa Maaliyadda, ma lahan ku xigeen iyo Qasnaji toona.
Dhismo uu lahaa Bankiga Ganacsiga oo Habar Khadiijo ku dhaganaa, waxa uu ka saaray dad masaakiin ah, waxa uuna siiyay Ganacsato ay isku hayb yihiin oo dhisanaya Hotel Fiat kuwaasoo ku darsaday Hoteelka.
Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliyeed waxaa ka dhex jira Loolan iyo xifaaltan qabyaaladeeysan iyadoo inta badan isku dhacyo xoogan ay ka dhex aloosan yihiin kuwa u dhashay Habargidir,Xawaadle,Dir iyo Abgaal.
Qorshaha Hay’adda Amniga looga saarayo Saraakiisha Habargidir iyo Xawaadle waxaa ka dambeeyay Cabdalla Cabdalla oo loo yaqaan Cabdalla Tarbiici oo ah Dir, isla markaana ah Taliye Ku Xigeenka Hay’ada NISA.
Cabdalla Tarbiici waa ninkii fakiyay ninkii Alaabta Qaraxyadda loo isticmaalo ka soo dajiyay Dekadda ee Wakiilka u ahaa Dahabshiil ,waxaana ninkan oo ka jawaabaya arrinta Shabeeladda Hoose iyo Deefoow ay Dir kula soo dardaarmeeen inuu Habargidir iyo Xawaadle ka saaro Hay’adaha Amniga.

Waxaa jira nin ku xukuman 25 Sanno oo Xabsiga dhexe uu kala baxay Cabdalla Tarbiici isagoo warqad ka sita Taliyaha Nabadsugida Cabdiraxmaan Tuuryare iyo Maxkamadda gobolka Banaadir,waxaana Maxkamadda loo sheegay iney macluumaad ka rabaan, ninkaasi oo ahaa Dir, Waxa uu Cabdalla ka dhoofiyay Garoonka, Waana sharci darro ,in dimbiile xukun ku dhacay lala baxo oo la dhoofiyo, maxaa yeelay sharciyan Madaxwaynaha Dalka Somalia oo kaliya ayaa cafis u fidin kara .
Si kastaba ha ahaatee Sarkaalka AlShabaab oo aan magaciisa uga gaabsanay dabagal ku socda aawgiis wuxuu ka degay Magaaladda Kampala ee dalka Uganda.
Taliska Nabadsugidda Somalia waqtigii Maxkamadda u qabatay iney macluumaadka uga soo dhamaysanayaan waxaa ka haray 5 maalmood, ninkiina Kampala ayuu ka dagay, lama oga halka uu ka sii aaday.