Ururka Al Shabaab ee ka dagaalama Dalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay dileen Sargaal Sare oo katirsanaa Ciidanka Dawlada Mareykanka.
Al Shabaab ayaa warbaahintooda ku faafiyey in sargaalka mareykanka ay dileen lagu magacaabo Brett Fredericks kaasi oo ka mid ahaa dadkii lagu dilay weerarkii Bil ka hor lagu qaaday Xarunta Xalane ee AMISOM ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.
Sargaalkaan Brett Fredericks ayey Shabaabku sheegeen inuu ka mid ahaa Xubnaha sar sare ee dhinaca ciidanka loo yaqaanay US Delta Forces Muqdishana uu ujoogay dejinta Xeelad Dagaal oo lagu weerarayo Al Shabaab.
Weli ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Dawlada Mareykanka oo Run ama Been ka dhigaya Warkaan kasoo baxay Shabaabka ay ku sheegteen inay dileen Sargaal Mareykan ahaa oo lagu magacaabi jiray Brett Fredericks.