



Dhawaqa Qarax xooggan ayaa caawa laga maqlay wadada Makka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho oo ay adeegsadaan madaxda DF-ka iyo Ciidanka AMISOM.
Goob joogayaal ayaa sheegay in jugta qaraxa laga wada maqlay dhammaan degmooyinka magaalada Muqdisho,wararka qaar ayaa sheegaya in goob ay ku sugnaayeen madaxda Dowladda Federaalka labeegsaday.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay uu ku qarxay maqaaxi dadka ajaanibta ah ka cunteeyaan oo lagu magacaabo oromo coffee.
Tobaneeyo qof ayaa lasoo sheegayaa in ay ku dhinteen qaraxa agagaarka hoteelka Wehliye ka dhacay ciidamo farabadan oo goobta wax ka dhaceen lagu daadiyay ayaa sababtay in faah faahin dheeri ah aan laga helin qaraxa.
Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ku aadan qaraxan khasaaraha badan dhaliyay ee lagu beegsaday Makka Al Mukarama.




