Madaxda Dowladda Federaalka Oo Shacabka Salaada Ciida Kula Tukaday Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

0
778

Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn looga xusay munaasabada Ciidul adxa, iyadoo si weyn loo adkeeyay guud ahaan amniga magaalada.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheikh, Wasiiro iyo masuuliyin kale ayaa shacabka kula tukaday Salaada ciida masaajidka Isbaheysiga.

Amaanka masaajidka ayaa ahaa mid aad loo ilaalinayay, waxaana la xiray dhamaan wadooyinka ag mara.

Kusimaha Madaxweynaha oo salaada kadib khudbad kooban jeediyey ayaa u hambalyeeyay dhamaan umadda Soomaaliya, waxaana uu u rajeeyay in ay si farxad iyo nabad ku wada ciidaan.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa jawi degan ku ciidaya marka loo fiiriyo sanadihi lasoo dhaafay oo ay magaaladu dagaalo ka socdeen.1234562