Xildhibaan C/laahi Axmed Xuseen Coonka oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya shalayna ka bad-baaday Qarax loogu xiray gaari uu lahaa qeybo kamid ah Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Laamaha ammaanka iyo Xukuumada inay wax badan ay iska saxaan.
Xildhibaanka waxa uu sheegay in Xukuumada looga baahan yahay iney saxdo wax badan oo ka qaldan sida uu sheegay, taasi oo ku aadan dhanka ammaanka caasimada Muqdisho oo habac amni uu maalmahan ka jiro.
Xildhibaan C/laahi Xuseen Coonka, ayaa shalay gaarigiisa waxaa lagu xiray qarax, kaasi oo xilliga la qarxiyay aysan jirin cid saarneeyd.
Sidoo kale Xildhibaan C/laahi Coonka aya ugu baaqay Shacabka Reer Muqdisho iney la Shaqeeyaan Laamaha Amaanka ee Dowlada Soomaaliya waxa uuna walaac ka muujiyay Dilalka loo geysanaayo Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Maalinimadii Shalay ayay ahayd markii Xildhibaan C/laahi Axmed Xuseen Coonka oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Gaari uu lahaa Qarax loogu xeray Qeybo ka mid ah Degmada Xamar weyne waxana Masuuliyada Qaraxaasi Sheegtay Ururka Al-Shabaab.




