WASIIRKA DEKADAHA IYO GAADIIDKA BADDA OO MAANTA SU’AALO AY WEYDIIYEEN BAARLAMAANKA

0
366

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumada Soomaaliya Yuusuf Macalin Amiin (Baadiyow) ayaa maanta hortagay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo su’aalo ay weydiinayeen.

Su’aallaha ugu badan ee ay Mudaneyaasha Baarlamaanku weeydiiyeen Mudane Yuusuf Macalin Amiin (Baadiyow) Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay quseeyeen maamulka dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, waxaase wehliyey shaqaalaha dekedda ka shaqeeya, milkiyadda gaadiidka xamuulka ka daabula dekedda, dhaqangelinta heshiiska dekedda ee ay Xukuumaddu la gashay shirkad Turki laga leeyahay, ayadoo heshiiskaasna aanay Baarlamaanku ansixin, naqshadeynta iyo ballaarinta dhismaha Dekedda iyo waxa hortaagan dib u howlgelinta shirkaddii Howlaha Maraakiibta.

Mudane Yusuuf Macalin Amiin (Baadiyoow) oo Xildhibaannada uga jawaabay su’aallaha ay weeydiiyeen ayaa xusay in dekedda magaalada Muqdisho ay ka shaqeeyaan shaqaalle gaaraya 7,200 20076kuwaasi oo 6,600 ka mid ah ay yihiin muruqmaal ama xoogsato, waxaana uu Baarlamaanka ka hor cadeeyey inaysan shirkadda Turkiga ah haba yaraatee ka shaqeyn dekedda oo aanay lagu wareejin maamulkeeda.

Kulanka maanta ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeesheeGolaha Shacabka,islamarkaana su’aalaha lagu weydiinayay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa waxaa shir gudoomiyayay guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,kaasi oo wasiirka kaga mahad celiyay sida wacan ee uga soo jawaabay codsigooda u yeeritaanka ahaa.

Su’aalaha maanta xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya lagu weydiinayay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa qeyb ka ah kulumo maalmihii u danbeeyay Baarlamaanka ay ku hortagayeen Wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya.