Ciidamada Itoobiya ee AMISOM iyo Dagaal yahanada Ururka Al Shabaab ayaa Dagaal Culus waxuu ku dhexmaray Magaalada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.
Goobjooge ayaa sheegay in Dagaalka uu qarxay kadib markii Al Shabaab ay Dagaal ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee Degmada Buurdhuub Iyadoona Dagaalkani uu geystay Khasaaro kala duwan.
“Dagaalkan waxuu ahaa mid Culus waxuu Khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac u geystay Ciidamada Itoobiya ee AMISOM iyo Dagaal yahanada Ururka Al Shabaab” sidaasi ayuu yiri Goobjoogaha.
Xiriiro kala duwan aanu la sameenay Saraakiisha Maamulka Degmada Buurdhuubo ayaa inoo suuro gelin in aan qadka Taleefonka ku haleelno hase ahaatee Wararka ayaa sheegaya in Al Shabaab Weerarkooda la iska caabiyay.
Tan iyo markii Al Shabaab laga saaray Degmada Buurdhuubo ayaa Kooxa Islaamiyiinta waxey go’aan sadeen in ay qaadaan Weerar Culus oo ka dhan ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM.