Dagaalkan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya, Dagaal yahano ka tirsan Ururka Ahlu Sunna iyo Maleeshiyaadka ka amar qaata Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Juba Axmed Madoobe ayaa maanta ka qarxay Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo kadib markii Ciidamo ka amar qaata Hogaamiyaha Maamulka Juba Axmed Madoobe ay duulaan ku qaadeen Degmada oo ay gacanta ku hayeen Ciidamada Dowladda iyo Ahlu Sunna.
Ugu yaraan 10 Ruux ayaa ku dhimatay, 20 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray hubka kala duwan oo la isku adeegsaday Dagaalka Iyadoona Wararka ay sheegayaa in Madaafiic kala duwan ay u ku dhaceen Degmada.
Inta badan Xaafadaha Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa la wareegay Maleeshiyaadka ka amar qaata Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Juba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
War ka soo baxay Maamulka Gobolka Gedo iyo Hogaamiyeyaasha Dowladda iyo Ahlu Sunna ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya C.wali Sheekh Axmed Maxamed uu Dagaalka taageero ku siinayo Hogaamiye Axmed Madoobe isagoo kala hadlay Dowladda Itoobiya.
Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Kailiil oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maleeshiyo uu hogaamiye ka yahay Axmed Madoobe duulaan ay ku soo qaadeen Degmada isagoona sheegay in laga soo hubeeyay Degmada Dooloow sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale, Maxamed Xuseen Al-Qaadi oo ka tirsan Saraakiisha Ahlu Sunna oo isna la hadlay Warbaahinta Shabelle ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xafiiskiisa laga soo maleegay duulaanka lagu qaaday Magaalada Baladxaawo
Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Kailiil ayaa ugu dambeyn Shabelle u xaqiijiyay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Maleeshiyaadka Ururka Maamulka Juba ay ka saari doonaan Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.