XARAKADA MUJHIDIINTA Al-Shabaab ayaa sheegay inay wali go’doomin ku hayaan degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo bishii hore ay la wareegeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ka socda.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalo culus ayaa xalay ka dhacay degmada, kadib markii Al-Shabaab weerar ku soo qaadeen fariisin ay lahaayeen ciidamada AMISOM, iyadoo dagaalka la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Gudoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan Gobolka Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub ayaa sheegay in dagaalada ay wali ku socdaan Ciidamada qabsaday Ceelbuur, waxaana uu xusay in wali go’doonsan tahay degmada.
“Saad uma imaan karo, waa lagu hareereysan yahay, maalintii ay raashin u baahdaan waxay noqoneysaa inay waayaan Horin ciidamadooda ka mid ah iyo gaadiidkooda, sidaas ayay u dhiban yihiin, dagaaladana waa ku sii socdaan”ayuu yiri Xasan Yacquub.
Degmada Ceelbuur ayaa la sheegay inay horay uga barakaceen dadkii ku dhaqnaa, iyadoo Al-Shabaab ay hareeraha degmada ku sugan yihiin, waxaana mararka qaar ay ku soo qaadaan weeraro.