Allaha u naxariistee waxaa saakey waaberigii marka waqtiga jarmalku kubeegnaa 8:00 ku geeryoodey ex korneyl xasan maxamed nuur shaati guduud oo mudo dhawr sano ah la ildarnaa xanuunka macaanka iyo dhiig karka,kaas oo ku keeney in ay kilyaha midkood shaqeyn weyso.
Allaha u naxariistee shaati guduud ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta ugu cad cad ee kasoo jeeda gobolada baay iyo bakool,isagoo xilal heer wasiir ka gaarey sanadahan dagaalada sokeeye soomaaliya ku dhex jirtey.
Marxuum xasan maxamed nuur shaati ayaa ka tagey caruur uu dhaley iyo wax ay sii dhaleen,lamana oga halka lagu aasayo inaa lilaah wa inaa ileyhi raajicuun.




