Iyadoo beryahan ay booqashooyin ku kala bixinayeen xildhibaano iyo qaar wasiiro xukuumada ka tirsan ayaa maanta waxaa beledweyne gaarey wafti heer wasiir ah.
Degmada beleweyne ayaa waxaa ka dilaacey cudurka shuban biyoodka oo xiliyada kuleylaha lagu arko deegaano soomaaliya kamid ah,waxaana isasoo taraya qeylo dhaan ka imaneysa maamulka iyo shacabka degmada beledweyne,kaas oo ay ku dalbanayaan in lala soo gaaro kaalmo.
Wasaaradaha kheyraadka dalka iyo wasaarada adeega bulshada ayaa kaalmo ay ka sideen dawlada federalka gaarsiiyey halka loo asteeyey in lagu dabiibo dadka uu cudurkani soo ritey.
Maahan markii ugu horeysey ee ay xubno dawlada dhexe ka socda ay beledweyne booqdaan haseyeeshee booqashadan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo r/wasaaraha iyo wasaarada arrimaha gudaha ay kormeero kukala bixinayaan qaar gobolada dalka kamid ah,iyadoo ay taasna barbar socoto wax ka bedel xaga maamulada iyo magacaabis cusub oo deegaanada qaar loo magacaabey.




