Deegaanka cumar beerre kana tirsan degmada afgooye oo alshabaab ay weerar kusoo qaadeen.

0
437

Xarakada alshabaab ayaa weerar kusoo qaadey deegaanka cumar beerre oo ka tirsan degmada afgooye tan iyo markii ay alshabaab halkaa isaga baxeen,iyadoo dawlada iyo maamulka degmaduba ay sheegaan marar badan in ay xaqiijiyeen amaanka iyo gacan ku heynta deegaanadaas.

Wax badan ayaa iska bedella sheegashada dhinacyada isku haya hugaanka dalka hase yeeshee waxaa inta badan hada maamula dalka soomaaliya xarakada alshabaab,in kastoo ay jiraan meelo badan oo lagala wareegey alshabaab.

Maahan markii ugu horeysey ee ay alshabaab weeraraan meel ay isaga baxeen iyadoon dagaal looga qabsan,waxeyna ku macneeyaan in ay xeelad dagaal uga baxaan meelaha laga qabsado.