MUSHARAXA MADAXWEYNE C/NUR DARMAAN OO MAANTA SOO BANDHIGEY HAMIGISA SIYAASADED.

0
495

Waxaa maanta hoygisa shir jaraa’id ku qabtey m/weynaha xisbiga midnimada jamhuuriga ahna musharax madaxweynenimo ee soomaaliya.

Musharax c/nur darman oo ay hareera fadhiyeen saraakil iyo madaxda sare ee xisbiga mjs sida gudkuxigenka xisbiga cali maxamed nuux timajilic,wakilka xirirka gobolada xisbiga mjs bashir ahmed sheekh kaaliyaha m/weyne darman mr faarax,bilaawe cade iyo wax garad farabadan ayaa sheegey in hadii uu xilka madaxweynemo ku guulaysto uu marka hore la dagaalamayo gaajada,amnidarada,dib u heshiin lala galo mucaaradka kasoo horjeeda dawlada sida xarakada alshabaab iyo cid walba oo kasoo horjeeda afkaarta ay ku socdeen xukuumadihii kmg ee dalka soomarey.

C/nur darman ayaa dhanka kale sheegey in ciidamada dalalka deriska iyo m/afrika laga maarmidoono lana xoojinayo ciidamada qaranka somaaliya,wuxuu kaloo m/weyne darmaan sheegey in uu shaqooyin abuurayo dalkana lagu sameynayo maal gashi xaga warshadaha,xoolaha,beeraha iyo kaluumeysiga ayna hayaan balanqaadka shirkadihii fulin lahaa mashaariicdaas.

Xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed ayaa 203dii m/weyne ugu doortey ifka xalan oo xarun u aheyd xisbiga mudo 10 sano ah ayuu c/nur darman lahaa ama uu sheeganayey in uu yahey madaxweynaha sharciga ah ee jamhuuriyada soomaaliya lamana oga cida ku qancisey iyo balanqaadka uu heysto ee ku xambaarey in uu tartankan ka qeyb galo balse la ogaandoonee halka hamigaasi ku dhamaado.