MADAXDI UGU SAREYSEY DKMG XILIGEEDU DHAMAADEY OO LAGU WARGELIYEY IN AYSAN IS SHARIXI KARIN!!

0
516

.
Warar lagu kalsoonyahey ayaa sheegaya in maanta kulan xasaasiya oo ay wadayeesheen madaxdi ugu sareysey dfkmg xiligeedu idlaadey sida sh/sharif,sharif xasan,iyo c/wali gaas iyo dublamaasiyiin ka socdey wadamada mareykanka,ingriiska,turkiga,ugandha talyaniga iyo kuwa kale.

Kulanka ayaa ka dhacey garoonka aadan cadde airport iyadoo markii ay is horfariisteen labada dhinac loo sheegey xubnaha madaxda somalida in ay joojiyaan ololaha ay ugu jiraan doorashada madaxtimanimada soomaaliya taas oo aad uga careysiisey m/weyne sh/sharif.

Iyadoo muranku wali taaganyahey ayaa la sheegayaa in m/weynaha ugandha musafeni uu talo ku bixiyey in sh/sharif cadaadiska laga qaado lana siiyo xilka madaxweyne afarta sano ee soo socota.

Hore ayaa waxaa u taagnaa muranka la xiriirey hugaamiye kooxeedyo loo diidey kamid noqoshada baarlamaanka iyadoo kuwo ay liis kuwada jireen loo ogolaadey baarlamaanka lana dhaariyey shaley taas oo dad badan u arkaan kala sooc iyo takoor dad gaara laga leeyahey oo beesha caalamku wadato lagana yaabo in ay dhacaan debed baxyo looga soo hor jeedo arintaas maalmaha soo socda insha allaah